< Anden Kongebog 11 >

1 Da Atalja, Ahazjas Moder, fik at vide, at hendes Søn var død, tog hun sig for at udrydde hele den kongelige Slægt.
Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor oo dhan.
2 Men Kong Jorams Datter Josjeba, Ahazjas Søster, tog Ahazjas Søn Joas og fik ham hemmeligt af Vejen, så han ikke var imellem Kongesønnerne, der blev dræbt, og hun gemte ham og hans, Amme i Sengekammeret og holdt ham skjult for Atalja, så han ikke blev dræbt;
Laakiinse Yehooshebac oo ahayd Boqor Yooraam gabadhiisii, oo Axasyaahna walaashiis ahayd, waxay la tagtay Axasyaah wiilkiisii Yoo'aash, oo ay ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay, isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo, oo iyana Catalyaah way ka qariyeen, sidaas daraaddeed isagii lama dilin.
3 og han var i seks År skjult hos Josjebai HERRENs Hus, medens Atalja herskede i Landet.
Oo isna iyadii buu la joogay, oo wuxuu kula qarsoonaa gurigii Rabbiga intii lix sannadood ah; oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.
4 Men i det syvende År lod Jojada Hundredførerne for Harernel og Livvagten hente ind til sig i HERRENs Hus; og efter at have sluttet Pagt med dem og taget dem i Ed i HERRENs Hus fremstillede han Kongesønnen for dem.
Oo sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac u cid diray oo isugu yeedhay boqol u taliyayaashii u taliyey reer Kaarii iyo askartii ordi jirtay, oo gurigii Rabbiga ayuu keensaday; markaasuu axdi la dhigtay oo iyagii gurigii Rabbiga gudihiisa ku dhaariyey, dabadeedna wuxuu tusay wiilkii boqorka.
5 Derpå bød han dem og sagde: "Således skal I gøre: Den Tredje del af eder, der om Sabbaten rykker ind for at overtage Vagten i Kongens Palads,
Wuuna amray oo ku yidhi, Idinku sidan yeela: meeshiinna saddexaad ee sabtida gashaa waa inay guriga boqorka ilaaliyaan;
6 og de to Afdelinger af eder, som har Vagten i Kongens Palads den ene Tredjedel ved Surporten, den anden ved Porten bag Livvagten
oo meel saddexaadna iridda Suur ha joogeen; meel saddexaadna ha joogeen iridda askartii ordi jirtay ka dambaysa; sidaas waa inaad guriga u ilaalisaan oo aad wax uga celisaan.
7 og som begge om Sabbaten rykker ud for at overtage Vagten i HERRENs Hus,
Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.
8 I skal alle med Våben i Hånd slutte Kreds om Kongen, og enhver, der nærmer sig Rækkerne, skal dræbes. Således skal I være om Kongen, når han går ud, og når han går ind!"
Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.
9 Hundredførerne gjorde alt hvad Præsten Jojada havde påbudt, idet de tog hver sine Folk, både dem, der rykkede ud, og dem, der ryk kede ind om Sabbaten, og kom til Præsten Jojada.
Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.
10 Og Præsten gav Hundredfø rerne Spydene og Skjoldene, som havde tilhørt Kong David og var i HERRENs Hus.
Markaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil.
11 Livvagten stillede sig, alle med Våben i Hånd, fra Templets Syd side til Nordsiden, hen til Alteret og derfra igen hen til Templet, rundt om Kongen.
Markaasay askartii isagoo nin waluba hubkiisii gacanta ku haysto istaageen guriga dhankiisii midig iyo ilaa dhankiisii bidix iyo meeshii allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.
12 Så førte han Kongesønnen ud og satte Kronen og Armspangene på ham; derefter udråbte de ham til Konge og salvede ham; og de klappede i Hænderne og råbte: "Kongen leve!"
Markaasuu wiilkii boqorka soo bixiyey, oo wuxuu madaxa u saaray taajkii, markhaatifurkiina wuu siiyey; oo waxay ka dhigeen boqor, wayna subkeen, kolkaasay u sacbiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
13 Da Atalja hørte Larmen af Folket, gik hun hen til Folket i HERRENs Hus,
Oo Catalyaahna markay qayladii askarta iyo dadka maqashay ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga.
14 og der så hun Kongen stå ved Søjlen, som Skik var, og Øversterne og Trompetblæserne ved Siden af, medens alt Folket fra Landet jublede og blæste i Trompeterne. Da sønderrev Atalja sine Klæder og råbte: "Forræderi, Forræderi!"
Oo bal eeg, boqorku wuxuu taagnaa tiirka agtiisa siday caadadu ahayd, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen; oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen. Markaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay ku qaylisay, Waa fallaagow, waa fallaagow!
15 Men præsten Jojada bød Hundredførerne, Hærens Befalingsmænd: "Før hende uden for Forgårdene og hug enhver ned, der følger hende!" Præsten sagde nemlig: "Hun skal ikke dræbes i HERRENs Hus!"
Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa amray boqol u taliyayaashii ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka soo dhex mariya, oo kii soo raacana seef ku dila, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada yaan lagu dhex dilin guriga Rabbiga.
16 Så greb de hende, og da hun ad Hesteindgangen var kommet til Kongens Palads, blev hun dræbt der.
Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.
17 Men Jojada sluttede Pagt mellem HERREN og Folket og Kongen om, at de skulde være HERRENs Folk, ligeledes mellem Kongen og Folket.
Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya Rabbiga iyo boqorka iyo dadkaba inay iyagu ahaadaan Rabbiga dadkiisa, oo haddana wuxuu dhex dhigay boqorkii iyo dadkii.
18 Og alt Folket fra Landet begav sig til Ba'als Hus og nedbrød det; Altrene og Billederne ødelagde de i Bund og Grund, og Ba'als Præst Mattan dræbte de foran Altrene. Derpå satte Præsten Vagtposter ved HERRENs Hus;
Dabadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.
19 og han tog Hundredførerne, Karerne og Livvagten, desuden alt Folket fra Landet med sig, og de førte Kongen ned fra HERRENs Hus. gik igennem Livvagtens Port til Kongens Palads, og han satte sig på Kongetronen.
Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol u taliyayaashii iyo kuwii reer Kaarii, iyo askartii ordi jirtay, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo dejiyeen gurigii Rabbiga, oo intay jidkii iridda waardiyayaasha soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka. Oo isna wuxuu ku fadhiistay carshigii boqorrada.
20 Da glædede alt Folket fra Landet sig, ogByen holdt sig rolig. Men Atalja huggede de ned i Kongens Palads.
Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna gurigii boqorka agtiisa ayay seef ku dileen.
21 Joas var syv År gammel, da han blev Konge.
Oo Yehoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday.

< Anden Kongebog 11 >