< Anden Krønikebog 9 >

1 Da Dronningen af Saba hørte Salomos Ry, kom hun, for at prøve ham med Gåder, til Jerusalem med et såre stort Følge og med Kameler, der har Røgelse, Guld i Mængde og Ædelsten. Og da hun var kommet til Salomo, talte hun til ham om alt, hvad der lå hende på Hjerte.
Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.
2 Men Salomo svarede på alle hendes Spørgsmål, og intet som helst var skjult for Salomo, han gav hende Svar på alt.
Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan, oo wax Sulaymaan ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin.
3 Og da Dronningen at Saba så Salomos Visdom, Huset, han havde bygget,
Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,
4 Maden på hans Bord, hans Folks Boliger, hans Tjeneres Optræden og deres Klæder, hans Mundskænke og deres Klæder og Brændofrene, han ofrede i HERRENs Hus, var hun ude af sig selv;
iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray iyo dharkoodii, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin.
5 og hun sagde til Kongen: "Sandt var, hvad jeg i mit Land hørte sige om dig og din Visdom!
Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaada run buu ahaa.
6 Jeg troede ikke, hvad der sagdes, før jeg kom og så det med egne Øjne; og se, ikke engang det halve af din store Visdom er mig fortalt, thi du overgår, hvad Rygtet sagde mig om dig!
Habase yeeshee erayadoodii ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen, oo weliba xigmaddaada weynaanteedii badhna la iima sheegin, haddaba waad ka sii weyn tahay warkii aan maqlay.
7 Lykkelige dine Mænd, lykkelige dine Folk, som altid er om dig og hører din Visdom!
Waxaa faraxsan raggaaga oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.
8 Lovet være HERREN din Gud, som fandt Behag i dig og satte dig på sin Trone som Konge for HERREN din Gud. Fordi din Gud elsker Israel og for at opretholde det evindeligt, satte han dig til Konge over dem, til at øve Ret og Retfærdighed!"
Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshigiisa inaad boqor ahaatid Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis. Ilaahaagu wuu jeclaaday reer binu Israa'iil inuu xoogeeyo weligood, oo sidaas aawadeed ayuu kaaga dhigay boqor iyaga u taliya inaad samaysid xukun iyo caddaalad.
9 Derpå gav hun Kongen 120 Guldtalenter, Røgelse i store Mængder og Ædelsten; og aldrig har der siden været så megen Røgelse i Landet som den, Dronningen af Saba gav Kong Salomo.
Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo boqoraddii Shebaa uunsigii ay Boqor Sulaymaan siisay oo kale ma jirin.
10 Desuden bragte Hurams og Salomos Folk, som hentede Guld i Ofir, Algummimtræ og Ædelsten;
Oo Xuuraam addoommadiisii iyo Sulaymaan addoommadiisii oo Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo keeneen geedo almuug ah iyo dhagaxyo qaali ah.
11 og af Algummimtræet lod Kongen lave Rækværk til HERRENs Hus og Kongens Palads, desuden Citre og Harper til Sangerne; og Mage dertil var ikke tidligere set i Judas Land.
Oo boqorkiina geedihii almuugga ahaa ayuu gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba uga dhigay jaranjarooyin, oo wuxuu kaloo nimankii gabayaaga ahaa uga sameeyey kataarado iyo shareerado, oo waxaasoo kalena hore looguma arag dalka Yahuudah.
12 Og Kong Salomo gav Dronningen af Saba alt, hvad hun ønskede og bad om, langt ud over hvad hun bragte til Kongen. Derpå vendte hun med sit Følge tilbage til sit Land.
Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.
13 Vægten af det Guld, som i eet År indførtes af Salomo, udgjorde 666 Guldtalenter,
Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,
14 deri ikke medregnet hvad der indkom i Afgift fra de undertvungne Folk og ved Købmændenes Handel og fra alle Arabiens Konger og Landets Statholdere, som bragte Salomo Guld og Sølv.
oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.
15 Kong Salomo lod hamre 200 Guldskjolde, hvert på 600 Sekel Guld,
Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan oo waaweyn oo dahab la tumay ah, oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab la tumay ah.
16 og 300 mindre Guldskjolde, hvert på 300 Sekel Guld; dem lod Kongen henlægge i Libanonskovhuset.
Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex boqol oo sheqel oo dahab ah; markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.
17 Fremdeles lod Kongen lave en stor, Elfenbenstrone, overtrukket mned lutret Guld.
Oo weliba boqorku wuxuu kaloo sameeyey carshi weyn oo foolmaroodi ah, oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah.
18 Tronen havde seks Trin, og på dens Ryg var der et Latn af Guld; på begge Sider af Sædet var der Arme, og ved Armene stod der to Løver;
Carshigu wuxuu lahaa jaranjaro lix tallaabo ah; oo waxaa la jiray cagodhig dahab ah oo carshiga ku xidhan, oo kursiga meeshii lagu fadhiisto labadeeda dhinacba waxay lahayd meelo xusullada la saarto, oo meelaha xusullada la saartana dhinacooda waxaa taagnaa laba libaax.
19 tillige stod der tolv Løver på de seks Trin, seks på hver Side. Der er ikke lavet Mage til Trone i noget andet Rige.
Oo jaranjaradii lixdeedii tallaabo labadooda dhinac waxaa ka taagnaa laba iyo toban libaax, oo boqortooyona saas oo kale looguma samayn.
20 Alle Kong Salomos Drikkekar var af Guld og alle Redskaber i Libanonskovhuset af fint Guld; Sølv regnedes ikke for noget i Kong Salomos Dage.
Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.
21 Kongen havde nemlig Skibe, det sejlede på Tarsis med Hurams Folk; og een Gang hverttredje År kom Tarsisskibene, ladet med Guld, Sølv, Elfenben, Aber og Påfugle.
Maxaa yeelay, boqorku wuxuu lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo waxay raaceen addoommadii Xuuraam, oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.
22 Kong Salomo overgik alle Jordens Konger i Rigdom og Visdom.
Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.
23 Alle Jordens Konger søgte hen til Salomo for at høre den Visdom, Gud havde lagt i hans Hjerte;
Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.
24 og alle bragte de Gaver med: Sølv- og Guldsager, Klæder, Våben, Røgelse, Heste og Muldyr; således gik det År efter År.
Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.
25 Salomo havde 4000 Spand Heste og Vogne og 12000 Ryttere; dem lagde han dels i Vognbyerne, dels hos sig i Jerusalem.
Sulaymaanna wuxuu lahaa afar kun oo xero oo fardaha iyo gaadhifardoodka lagu xereeyo, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.
26 Han herskede over alle Konger fra Floden til Filisternes Land og Ægyptens Grænse.
Oo wuxuu u wada talin jiray kulli boqorradii joogay Webiga ilaa dalka reer Falastiin iyo ilaa soohdinta Masar.
27 Kongen bragte det dertil, at Sølv i Jerusalem var lige så almindeligt som Sten, og Cedertræ lige så almindeligt som Morbærfigentræ i Lavlandet.
Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.
28 Der indførtes Heste til Salomo fra Mizrajim og fra alle Lande.
Oo Sulaymaanna fardo waxaa looga keeni jiray Masar iyo dalalka kale oo dhanba.
29 Salomos øvrige Historie fra først til sidst findes optegnet i Profeten Natans Krønike, Siloniten Ahijas Profeti og Seeren Jedos Syn om Jeroboam, Nebats Søn.
Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale intii hore iyo intii dambeba sow kuma qorna taariikhdii Nebi Naataan, iyo wax sii sheegiddii Axiiyaah kii reer Shiiloh, iyo waxyaalihii la tusay Iddo oo wax arke ahaa oo ku saabsanaa Yaaraabcaam ina Nebaad?
30 Salomo herskede i Jerusalem over hele Israel i fyrretyve År.
Oo Sulaymaan afartan sannadood ayuu reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqor ugu ahaa.
31 Derpå lagde Salomo sig til Hvile hos sine Fædre og blev jordet i sin Fader Davids By. Og hans Søn Rehabeam blev Konge i hans Sted.
Sulaymaanna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Rexabcaam.

< Anden Krønikebog 9 >