< Djela apostolska 12 >

1 U to vrijeme uze Herod zlostavljati neke od Crkve.
Haddaba wakhtigaas boqorkii Herodos ahaa ayuu wuxuu gacmihiisa u fidiyey inuu dhibo qaar ka mid ah kuwa kiniisadda.
2 Mačem pogubi Jakova, brata Ivanova.
Wuxuuna seef ku dilay Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis.
3 Kad vidje da je to drago Židovima, uhvati i Petra (bijahu upravo Dani beskvasnih kruhova).
Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.
4 Uhiti ga, baci u tamnicu i dade da ga čuvaju četiri vojničke četverostraže, nakan izvesti ga nakon Pashe pred narod.
Oo kolkuu qabtayna, wuxuu ku riday xabsi, oo u dhiibay afar kooxood oo afar askari ah inay ilaaliyaan, isagoo doonaya inuu Iidda Kormaridda dabadeed dadka u soo saaro.
5 Petra su dakle čuvali u tamnici, a Crkva se svesrdno moljaše Bogu za njega.
Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.
6 One noći kad ga je Herod kanio privesti, spavao je Petar između dva vojnika, okovan dvojim verigama, a stražari pred vratima čuvahu stražu.
Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen.
7 Kad eto: pojavi se anđeo Gospodnji te svjetlost obasja ćeliju. Anđeo udari Petra u rebra, probudi ga i reče: “Ustaj brzo!” I spadoše mu verige s ruku.
Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen.
8 Anđeo mu reče: “Opaši se i priveži obuću!” On učini tako. Onda će mu anđeo: “Zaogrni se i hajde za mnom!”
Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac.
9 Petar izađe, pođe za njim, a nije znao da je zbilja što se događa po anđelu: činilo mu se da gleda viđenje.
Markaasuu soo baxay oo raacay; ma uuna garanaynin in waxay malaa'igtu samaysay ay run tahay, laakiin wuxuu u maleeyey inuu riyo arkay.
10 Prošavši prvu stražu, i drugu, dođoše do željeznih vrata koja vode u grad. Ona im se sama otvore te oni izađu, prođu jednu ulicu, a onda anđeo odjednom odstupi od njega.
Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.
11 Petar pak, došavši k sebi, reče: “Sad uistinu znam da je Gospodin poslao anđela svoga i izbavio me iz Herodove ruke i od svega što je očekivao židovski narod.”
Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan.
12 Kad je to uočio, zaputi se kući Marije, majke Ivana nazvanog Marko. Ondje se mnogi bijahu sabrali i molili.
Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen.
13 Kad Petar pokuca na dvorišna vrata, dođe prisluhnuti sluškinja imenom Ruža.
Markuu albaabka iridda garaacayna, waxaa timid gabadh midiidin ah oo Roda la odhan jiray inay maqasho.
14 Kad prepozna Petrov glas, od radosti i ne otvori vrata, nego utrča i javi da je Petar pred vratima.
Kolkay codkii Butros garatay, farxad darteed bay albaabka u furi weyday, laakiin gudaha bay ku orodday, wayna sheegtay in Butros iridda hor taagan yahay.
15 Oni joj rekoše: “Mahnitaš!” Ali je ona uporno tvrdila da je tako. Nato će oni: “Bit će njegov anđeo!”
Markaasay waxay ku yidhaahdeen iyadii, Waad waalan tahay. Laakiin way ku sii adkaysatay inay sidaa tahay. Iyaguse waxay yidhaahdeen, Waa malaa'igtiisii.
16 Petar nastavi kucati. Kad napokon otvoriše i ugledaše ga, ostadoše izvan sebe.
Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.
17 On im rukom mahnu neka šute pa im pripovjedi kako ga Gospodin izvede iz tamnice te dometnu: “Javite to Jakovu i braći!” Onda izađe i ode u drugo mjesto.
Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday.
18 Kad se razdani, nasta među vojnicima uzbuna nemalena što li se s Petrom dogodilo.
Markii waagu beryay, qasmid aan yarayn ayaa askartii ka dhex kacday waxa Butros ku dhacay aawadeed.
19 Herod ga stade tražiti, a kad ga ne nađe, sasluša stražare i naredi da se smaknu. Onda siđe iz Judeje u Cezareju i ondje osta.
Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.
20 A bio je u žestoku sukobu s Tircima i Sidoncima. Oni zajednički dođoše k njemu i pošto pridobiše kraljevskoga komornika Blasta, zaiskaše mir, jer je njihova zemlja dobivala živež od kraljeve.
Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.
21 U određeni dan sjede Herod odjeven u kraljevsko ruho na prijestol i stade im govoriti.
Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey.
22 Narod izvikivaše: “Božji glas, a ne ljudski!”
Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis.
23 Umah ga, zbog toga što ne dade slavu Bogu, udari anđeo Gospodnji te on rascrvotočen izdahnu.
Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.
24 Riječ je pak Božja rasla i širila se.
Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.
25 Barnaba i Savao, pošto obaviše služenje u Jeruzalemu, vratiše se uzevši sa sobom Ivana zvanog Marko.
Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

< Djela apostolska 12 >