< 約伯記 24 >

1 全能者既定期罰惡, 為何不使認識他的人看見那日子呢?
Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa? Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?
2 有人挪移地界, 搶奪群畜而牧養。
Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya, Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.
3 他們拉去孤兒的驢, 強取寡婦的牛為當頭。
Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta, Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.
4 他們使窮人離開正道; 世上的貧民盡都隱藏。
Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.
5 這些貧窮人如同野驢出到曠野,殷勤尋找食物; 他們靠着野地給兒女糊口,
Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
6 收割別人田間的禾稼, 摘取惡人餘剩的葡萄,
Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka, Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
7 終夜赤身無衣, 天氣寒冷毫無遮蓋,
Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan, Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
8 在山上被大雨淋濕, 因沒有避身之處就挨近磐石。
Waxaa iyaga qoya roobka buuraha, Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.
9 又有人從母懷中搶奪孤兒, 強取窮人的衣服為當頭,
Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada, Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10 使人赤身無衣,到處流行, 且因飢餓扛抬禾捆,
Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11 在那些人的圍牆內造油,醡酒, 自己還口渴。
Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda, Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12 在多民的城內有人唉哼, 受傷的人哀號; 上帝卻不理會那惡人的愚妄。
Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
13 又有人背棄光明, 不認識光明的道, 不住在光明的路上。
Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba, Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin, Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
14 殺人的黎明起來, 殺害困苦窮乏人, 夜間又作盜賊。
Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan, Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.
15 姦夫等候黃昏, 說:必無眼能見我, 就把臉蒙蔽。
Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka, Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono, Oo wuu hagoogtaa.
16 盜賊黑夜挖窟窿; 白日躲藏, 並不認識光明。
Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan, Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan, Oo iftiinka maba yaqaaniin.
17 他們看早晨如幽暗, 因為他們曉得幽暗的驚駭。
Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada, Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.
18 這些惡人猶如浮萍快快飄去。 他們所得的分在世上被咒詛; 他們不得再走葡萄園的路。
Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa, Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray, Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
19 乾旱炎熱消沒雪水; 陰間也如此消沒犯罪之輩。 (Sheol h7585)
Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl, Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay. (Sheol h7585)
20 懷他的母要忘記他; 蟲子要吃他,覺得甘甜; 他不再被人記念。 不義的人必如樹折斷。
Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga, Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono, Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.
21 他惡待不懷孕不生養的婦人, 不善待寡婦。
Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin; Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.
22 然而上帝用能力保全有勢力的人; 那性命難保的人仍然興起。
Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
23 上帝使他們安穩,他們就有所倚靠; 上帝的眼目也看顧他們的道路。
Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan, Jidadkoodana ishuu ku hayaa.
24 他們被高舉,不過片時就沒有了; 他們降為卑,被除滅,與眾人一樣, 又如穀穗被割。
Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan; Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan, Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.
25 若不是這樣,誰能證實我是說謊的, 將我的言語駁為虛空呢?
Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay, Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?

< 約伯記 24 >