< 約伯記 14 >

1 人為婦人所生, 日子短少,多有患難;
Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
2 出來如花,又被割下, 飛去如影,不能存留。
Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
3 這樣的人你豈睜眼看他嗎? 又叫我來受審嗎?
Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?
4 誰能使潔淨之物出於污穢之中呢? 無論誰也不能!
Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
5 人的日子既然限定, 他的月數在你那裏, 你也派定他的界限,使他不能越過,
Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.
6 便求你轉眼不看他,使他得歇息, 直等他像雇工人完畢他的日子。
Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
7 樹若被砍下, 還可指望發芽, 嫩枝生長不息;
Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
8 其根雖然衰老在地裏, 幹也死在土中,
In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
9 及至得了水氣,還要發芽, 又長枝條,像新栽的樹一樣。
Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
10 但人死亡而消滅; 他氣絕,竟在何處呢?
Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa, Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?
11 海中的水絕盡, 江河消散乾涸。
Biyuhu badda way ka dhammaadaan, Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,
12 人也是如此,躺下不再起來, 等到天沒有了,仍不得復醒, 也不得從睡中喚醒。
Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco, Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan, Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
13 惟願你把我藏在陰間, 存於隱密處,等你的忿怒過去; 願你為我定了日期,記念我。 (Sheol h7585)
Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid! (Sheol h7585)
14 人若死了豈能再活呢? 我只要在我一切爭戰的日子, 等我被釋放的時候來到。
Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
15 你呼叫,我便回答; 你手所做的,你必羨慕。
Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa; Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.
16 但如今你數點我的腳步, 豈不窺察我的罪過嗎?
Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga, Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?
17 我的過犯被你封在囊中, 也縫嚴了我的罪孽。
Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay, Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.
18 山崩變為無有; 磐石挪開原處。
Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.
19 水流消磨石頭, 所流溢的洗去地上的塵土; 你也照樣滅絕人的指望。
Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
20 你攻擊人常常得勝,使他去世; 你改變他的容貌,叫他往而不回。
Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa, Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
21 他兒子得尊榮,他也不知道, 降為卑,他也不覺得。
Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga; Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.
22 但知身上疼痛, 心中悲哀。
Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

< 約伯記 14 >