< ᏣᏂ ᏄᏍᏛ ᎠᏥᎾᏄᎪᏫᏎᎸᎢ 18 >

1 ᎾᏍᎩᏃ ᎯᎠ ᏄᎵᏍᏔᏂᏙᎸ ᏅᏩᏓᎴ ᏗᎧᎿᎭᏩᏗᏙᎯ ᎥᏥᎪᎥᎩ ᎦᎸᎳᏗ ᏓᏳᏠᎠᏒᎩ, ᎤᏣᏘ ᎤᎵᏂᎩᏛ ᎨᏒᎩ; ᎾᏍᎩᏃ ᎤᏤᎵ ᎦᎸᏉᏗᏳ ᎨᏒ ᎡᎶᎯ ᎢᎦ ᎤᏘᏍᏔᏅᎩ.
Waxyaalahaas ka dib waxaan arkay malaa'ig kale oo samada ka soo degaysa, waxayna lahayd amar weyn; oo dhulkuna wuxuu la iftiimay dhalaalkeedii.
2 ᎠᎴ ᎠᏍᏓᏯ ᎤᏪᎷᏅᎩ ᎤᎵᏂᎩᏛ ᎧᏁᎬ ᎬᏗ, ᎯᎠ ᏂᎦᏪᏍᎬᎩ, ᏓᏓᎶᏂ ᎡᏆ ᎠᏲᎩ, ᎠᏲᎩ, ᎠᎴ ᎠᏂᏍᎩᎾ ᎤᎾᏕᏗᏱ ᏂᎦᎵᏍᏓ, ᎠᎴ ᎾᏂᎥ ᎠᏂᎦᏓᎭ ᏗᏓᏅᏙ ᎤᏂᏴᏍᏗᏱ, ᎠᎴ ᎾᏂᎥ ᎠᏂᎦᏓᎭ ᎠᎴ ᎤᏂᏂᏆᏘᏍᏗ ᏥᏍᏆ ᎤᎾᏁᎳᏗᏍᏗᏱ.
Markaasay ku dhawaaqday cod xoog weyn, oo waxay tidhi, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, oo waxay noqotay hoygii shaydaanyada, iyo rugtii jinni kasta oo nijaas ah, iyo rugtii shimbir kasta oo nijaas ah oo la neceb yahay.
3 ᏂᎦᏗᏳᏰᏃ ᎤᎾᏓᏤᎵᏛ ᏴᏫ ᏓᏁᏩᏗᏒ ᎤᎾᏗᏔᎲ ᎩᎦᎨ-ᎠᏗᏔᏍᏗ ᎤᏔᎳᏬᎯᏍᏗ ᎨᏒ ᎤᏓᏑᏱ ᎾᏍᎩ ᎤᏕᎵᏛ ᏚᏂᏏᏂᏙᎸ ᎢᏳᏩᏂᏌᏛ, ᎠᎴ ᎤᏂᎬᏫᏳᎯ ᎡᎶᎯ ᎠᏁᎯ ᎾᏍᎩ ᎤᏕᎵᏛ ᏚᎾᏂᏏᏂᏙᎸ, ᎠᎴ ᎠᏂᏃᏗᏍᎩ ᎡᎶᎯ ᎠᏁᎯ ᏚᏁᏅᎢᏍᏔᏅ ᎾᏍᎩ ᎤᏣᏘ ᎤᏢᏉᏗ ᎡᎲᎢ.
Waayo, quruumihii oo dhammu waxay ku dhaceen khamrigii cadhada sinadeeda; oo boqorradii dhulka oo dhammuna iyaday ka sinaysteen, oo baayacmushtariyadii dunidu waxay ku taajireen xooggii barwaaqadeeda.
4 ᎠᎴ ᏅᏩᏓᎴ ᎩᎶ ᏗᎧᏁᎬ ᎦᎸᎳᏗ ᎠᏆᏛᎦᏅᎩ, ᎯᎠ ᏅᏓᎦᏪᏍᎬᎩ, ᏂᎯ ᏗᏆᏤᎵᎦ ᏴᏫ ᎡᏥᏄᎪᎢ, ᎾᏍᎩ ᎢᏣᏠᏯᏍᏙᏗᏱ ᏂᎨᏒᎾ ᎾᏍᎩ ᎤᏍᎦᏅᏥᏙᎸᎢ, ᎠᎴ ᎾᏍᎩ ᎤᏤᎵ ᎤᏕᏯᏙᏗ ᎨᏒ ᎢᏣᏠᏯᏍᏙᏗᏱ ᏂᎨᏒᎾ.
Oo haddana waxaan maqlay cod kale oo samada ka dhawaaqaya oo leh, Dadkaygiiyow, iyada ka soo baxa, yeydnan dembiyadeeda la qaybsane, oo aydnaan belaayooyinkeeda heline;
5 ᎤᏍᎦᏅᏥᏙᎸᏰᏃ ᎦᎸᎳᏗ ᎢᏴᏛ ᏭᎷᏨ, ᎠᎴ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎤᏅᏓᏛ ᎤᏲᏚᎸᏫᏍᏓᏁᎵᏙᎸᎢ.
waayo, dembiyadeedii waxay gaadheen xataa samada, oo Ilaahna wuu xusuustay xaqdarradeedii:
6 ᎡᏣᎫᏴᏏ ᎾᏍᎩᏯ ᎢᏣᎫᏴᎡᎸᎢ, ᎠᎴ ᏔᎵ ᎢᏳᏩᎫᏗ ᎡᏣᎫᏴᏏ ᎾᏍᎩᏯ ᏚᎸᏫᏍᏓᏁᎸᎢ; ᎤᎵᏍᏈᏗ ᎤᎧᎵᎸᎯ ᎾᏍᎩ ᏔᎵ ᎢᏳᏩᎫᏗ ᎡᏥᎧᎵᎢᏏ.
Iyada wax u siiya sidii ay wax idiin siisay oo kale, oo weliba u sii labanlaaba sida shuqulkeedu ahaa; oo koobkii ay wax idiinku qastay, wax ugu qasa labanlaab.
7 ᎾᏍᎩ ᏂᎦᎥ ᎤᏩᏒ ᎤᏓᎸᏉᏔᏅᎢ ᎠᎴ ᎤᏢᏉᏗ ᎤᏕᏅᎢ, ᎾᏍᎩ ᎢᎦᎢ ᎠᎩᎵᏯ ᎠᎴ ᎤᏲ ᎠᏓᏅᏓᏗᏍᏗ ᎨᏒ ᎡᏥᎥᏏ; ᎤᎾᏫᏱᏰᏃ ᎯᎠ ᏂᎦᏪᎭ, ᎠᎩᎬᏫᏳᎯ ᎠᏉᎳ, ᎥᏝ ᎠᏉᏑᎶᏨᎯ ᏱᎩ, ᎥᏝ ᎠᎴ ᎤᏲ ᎠᏓᏅᏓᏗᏍᏗ ᎨᏒ ᏴᎦᏥᎪᏩᏛ.
Oo intii ay isfaanisay iyo intii ay raaxaysatay oo kale, waxaad iyada siisaan caddibaad iyo murug; waayo, iyadu waxay qalbigeeda iska tidhaahdaa, Anigoo boqorad ah ayaan iska fadhiyaa, oo carmalna ma ihi, oo sinaba murug u arki maayo.
8 ᎾᏍᎩ ᎢᏳᏍᏗ ᎤᏕᏯᏙᏗᏍᎩ ᎨᏒ ᏏᏉᏃ ᎤᎷᎯᏍᏗ ᎨᏎᏍᏗ, ᎠᏲᎱᎯᏍᏗ ᎨᏒ, ᎠᎴ ᏗᏴᎳᏍᏗ ᎨᏒ, ᎠᎴ ᎠᎪᎸ; ᎠᎴ ᎠᎦᎪᎲᏍᏙᏗ ᎨᏎᏍᏗ ᎠᏥᎸ ᎬᏗ; ᎤᎵᏂᎩᏗᏳᏰᏃ ᎤᎬᏫᏳᎯ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎾᏍᎩ ᏧᏭᎪᏓᏁᎯ ᏥᎩ.
Sidaas daraaddeed maalin keliya waxaa iyada u iman doona belaayooyinkeeda, kuwaas oo ah dhimasho iyo murug iyo abaar; oo iyada kulligeed waxaa lagu gubi doonaa dab, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo iyada xukumay waa xoog badan yahay.
9 ᎠᎴ ᎤᏂᎬᏫᏳᎯ ᎡᎶᎯ ᎠᏁᎯ, ᎾᏍᎩ ᎤᏕᎵᏛ ᏧᎾᏂᏏᏂᏙᎸᎯ ᎨᏒᎢ, ᎠᎴ ᎤᏢᏉᏗ ᎢᏧᎳᎭ ᎤᎾᏕᏅᎯ, ᎾᏍᎩ ᏓᎬᏩᏍᎪᏂᎵ, ᎠᎴ ᎾᏍᎩ ᏅᏓᎦᎵᏍᏙᏔᏂ ᏙᏛᏂᏴᎳᏏ, ᎿᎭᏉ ᎠᏂᎪᎲᎭ ᏚᎦᏒᏍᏛ ᎾᏍᎩ ᎠᎪᎲᏍᎬᎢ,
Oo boqorradii dunida oo iyada ka sinaystay oo la raaxaystay ayaa u ooyi doona oo u barooran doona markii ay arkaan qiiqa gubashadeeda,
10 ᎢᏅ ᏗᏂᏙᎾᎡᏍᏗ ᎠᏂᏍᎦᎢᎲ ᎠᎩᎵᏲᎬ ᏅᏗᎦᎵᏍᏙᏗᏍᎬᎢ, ᎯᎠ ᎾᏂᏪᏍᎨᏍᏗ, ᎤᏲᏍᏛᏉ, ᎤᏲᏍᏛᏉ, ᎾᏍᎩ Ꮎ ᎡᏆ ᏓᏓᎶᏂ, ᎾᏍᎩ ᎤᎵᏂᎩᏛ ᎦᏚᎲᎢ! ᏑᏟᎶᏛᏉᏰᏃ ᎢᎪᎯᏛ ᏗᏣᏚᎪᏓᏁᏗ ᎨᏒ ᏣᎷᏥᏏ.
iyagoo meel fog la taagan cabsida caddibaaddeeda, oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn oo Baabuloon, taasoo ah magaalada xoogga badan! Waayo, xukunkaagu saacad keliya buu ku yimid.
11 ᎠᏂᏃᏔᏅᎲᏍᎩᏃ ᎡᎶᎯ ᎠᏁᎯ ᏙᏛᎾᏠᏱᎵ ᎠᎴ ᏙᏛᏂᏴᎳᏏ ᏓᎬᏩᏍᎪᏂᎵ ᎾᏍᎩ; ᎥᏝᏰᏃ ᎿᎭᏉ ᎩᎶ ᏱᎬᏩᏂᏩᎯᏎᎭ ᎦᏃᏙᏗ;
Oo baayacmushtariyadii duniduna iyaday u ooyaan oo u baroortaan, waayo, ninna hadda ka dib iibsan maayo shixnaddoodii;
12 ᎾᏍᎩ ᎠᏕᎸ-ᏓᎶᏂᎨ ᎦᏃᏙᏗ ᎨᏒᎢ, ᎠᎴ ᎠᏕᎸ-ᎤᏁᎬ, ᎠᎴ ᎤᏣᏘ ᏧᎬᏩᎶᏗ ᏅᏯ, ᎠᎴ ᏓᎬᎾ-ᎢᏳᎾᏍᏗ, ᎠᎴ ᎤᏏᏙᎵ ᏙᎴᏛ, ᎠᎴ ᏗᏕᎭᎷᎨᎢ, ᎠᎴ ᏗᏩᎾᎨᎢ, ᎠᎴ ᏗᎩᎦᎨᎢ, ᎠᎴ ᎾᎦᎥ ᏗᎦᎸᏉᏗ ᎠᏓ, ᎠᎴ ᏂᎦᎥ ᏗᏖᎵᏙ ᎧᎹᎹ ᏧᏓᏄᏙᏅᎯ ᏗᎪᏢᏔᏅᎯ, ᎠᎴ ᏂᎦᎥ ᏗᏖᎵᏙ ᎤᏣᏘ ᏧᎬᏩᎶᏗ ᎠᏓ ᏗᎪᏢᏔᏅᎯ, ᎠᎴ ᎥᏣᏱ, ᎠᎴ ᏔᎷᎩᏍᎩ, ᎠᎴ ᎠᏂᏓᏫᏍᎦᎨ ᏅᏯ,
shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,
13 ᎠᎴ ᏏᏂᎹᏂ, ᎠᎴ ᏗᎦᏩᏒᎩ, ᎠᎴ ᎠᏠᏁᏗ, ᎠᎴ ᎠᏜᏓᎤᎦᎾᏍᏛ ᎦᏩᏒᎩ, ᎠᎴ ᎩᎦᎨ-ᎠᏗᏔᏍᏗ, ᎠᎴ ᎪᎢ, ᎠᎴ ᏩᎾᎨ ᎤᏣᎴᏍᏗ ᎢᏒ, ᎠᎴ ᎤᏣᎴᏍᏗᎤᎦᏛ, ᎠᎴ ᎦᎾᏝᎢ, ᎠᎴ ᎠᏫ-ᎤᏂᏃᏕᏅ, ᎠᎴ ᏐᏈᎵ, ᎠᎴ ᏧᏍᏗ-ᏓᏆᎴᎷ, ᎠᎴ ᏴᏫ-ᏗᎦᎾᏝᎢ, ᎠᎴ ᏴᏫ ᏧᎾᏓᏅᏙ.
iyo qorfe, iyo xawaash, iyo uunsi, iyo barafuun, iyo foox, iyo khamri, iyo saliid, iyo bur wanaagsan, iyo sarreen, iyo lo', iyo ido, iyo fardo, iyo gaadhifardood, iyo addoommo, iyo nafaha dadka.
14 ᎠᎴ ᎤᏓᏔᏅᎯ ᎾᏍᎩ ᏣᏓᏅᏙ ᏧᎬᎥᏍᎬᎩ ᏣᏓᏅᎡᎸ, ᎠᎴ ᏂᎦᎥ ᎤᏢᏉᏗ ᎠᎴ ᏗᎦᎸᏉᏗ ᏥᎨᏒ ᎨᏣᏓᏅᎡᎸ, ᎠᎴ ᎥᏝ ᎿᎭᏉ ᏫᏗᎨᏣᏩᏛᏗ ᏱᎨᏎᏍᏗ.
Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.
15 ᎯᎠ ᎾᏍᎩ ᏧᏓᎴᏛ ᎠᏂᏃᏔᏅᎥᏍᎩ, ᎾᏍᎩ ᏧᏪᏅᎢᏍᏔᏅᎯ, ᎢᏅ ᏗᏂᏙᎾᎡᏍᏗ ᏅᏗᎦᎵᏍᏙᏗᏍᎨᏍᏗ ᎠᎩᎵᏲᎬ ᎠᏂᏍᎦᎢᎲᎢ, ᏓᎾᏠᏱᎮᏍᏗ ᎠᎴ ᏓᏂᏴᎨᏍᏗ,
Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya;
16 ᎠᎴ ᎯᎠ ᎾᏂᏪᏍᎨᏍᏗ, ᎤᏲᏍᏛᏉ, ᎤᏲᏍᏛᏉ, ᎾᏍᎩ Ꮎ ᎡᏆ ᎦᏚᎲ ᎾᏍᎩ ᎤᏏᏙᎵ ᏙᎴᏛ, ᎠᎴ ᏕᎭᎷᎨᎢ, ᎠᎴ ᎩᎦᎨᎢ ᏥᏚᏣᏃᏛᎩ, ᎠᎴ ᎠᏕᎸᏓᎶᏂᎨᎢ, ᎠᎴ ᎤᏣᏘ ᏧᎾᎬᏩᎶᏗ ᏅᏯ, ᎠᎴ ᏓᎬᎾ-ᎢᏳᎾᏍᏗ, ᏥᏚᏣᏃᏛᎩ!
oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul.
17 ᏑᏟᎶᏛᏉᏰᏃ ᎢᎪᎯᏛ ᎾᏍᎩ ᎢᎦᎢ ᏧᎬᏩᎶᏗ ᎠᏎᏉ ᏂᎦᎵᏍᏔᏂᏛ. ᎠᎴ ᎾᏂᎥ ᎤᏂᎬᏫᏳᏌᏕᎩ ᏥᏳ ᏧᏔᏅ ᏓᏂᏂᏙᎲᎢ, ᎠᎴ ᎾᏂᎥ ᏥᏳᎯ ᎤᎾᏣᎢ, ᎠᎴ ᏥᏳ ᏗᏂᏂᏙᎯ, ᎠᎴ ᎾᏂᎥᏉ ᎠᎺᏉᎯ ᎠᏂᏃᏔᏂᏙᎯ, ᎢᏅ ᏛᏂᏙᎾᎥᎩ,
Waayo, maalka saas u badanu saacad keliya buu ku baabba'ay. Oo waxaa meel fog istaagay naakhude kasta, iyo mid kasta oo dhoofa, iyo ragga baxriyiinta ah, iyo in alla inta badda ka faa'iidaysata,
18 ᎠᎴ ᎤᏁᎷᏅᎩ ᎢᏳᏃ ᎤᏂᎪᎲ ᏚᎦᏒᏍᏛ ᎾᏍᎩ ᎠᎪᎲᏍᎬᎢ, ᎯᎠ ᎾᏂᏪᏍᎬᎩ, ᎦᏙ ᎤᏍᏗ ᎾᏍᎩᏯ ᎨᏎ ᎾᏍᎩ ᎯᎠ ᎡᏆ ᎦᏚᎲ ᏄᏍᏛᎢ?
oo way qayliyeen markii ay arkeen qiiqii gubashadeeda, waxayna yidhaahdeen, Bal magaaladee baa la mid ah magaalada weyn?
19 ᏗᏂᏍᎪᎵᏃ ᎪᏍᏚ ᏚᏂᏝᏅᎩ, ᎠᎴ ᎤᏁᎷᏅᎩ ᏓᎾᏠᏱᎲᎢ, ᎠᎴ ᏓᏂᏴᎬᎢ, ᎯᎠ ᎾᏂᏪᏍᎬᎩ, ᎤᏲᏍᏛᏉ, ᎤᏲᏍᏛᏉ, ᎾᏍᎩ Ꮎ ᎡᏆ ᎦᏚᎲᎢ, ᎾᎿᎭᏧᏁᎿᎭᎢ ᏥᏄᎾᎵᏍᏔᏅᎩ ᏂᎦᏛ ᎠᎺᏉᎯ ᏥᏳ ᏗᏂᏂᏙᎯ, ᏅᏗᎦᎵᏍᏙᏗᏍᎬ ᎤᏣᏘ ᎤᏪᎿᎭᎢᏳ ᎨᏒᎢ, ᏑᏟᎶᏛᏉᏰᏃ ᎢᎪᎯᏛ ᏅᏔ ᎾᎬᏁᎸ.
Oo iyana intay madaxa boodh ku shubteen ayay qayliyeen oo ooyeen oo baroorteen, oo waxay yidhaahdeen, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaaladii weynayd oo kulli inta badda doonniyaha ku lahu ay dhexdeeda kaga taajireen maalkeedii, waayo, iyadii saacad keliya bay baabba'day.
20 ᎢᏣᎵᎮᎵᎩ ᎾᏍᎩ ᏄᎵᏍᏓᏁᎸ ᎢᏳᏍᏗ, ᏂᎯ ᎦᎸᎶᎢ ᎠᎴ ᏂᎯ ᎢᏣᏓᏅᏘ ᎠᎴ ᎡᏥᏅᏏᏛ, ᎠᎴ ᎢᏣᏙᎴᎰᏍᎩ; ᎤᏁᎳᏅᎯᏰᏃ ᏂᎯ ᎨᏒ ᎢᏳᏍᏗ ᎾᏍᎩ ᎠᎦᏞᏥ.
Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay.
21 ᎤᎵᏂᎩᏛᏃ ᏗᎧᎿᎭᏩᏗᏙᎯ ᏅᏯ ᎤᎩᏒᎩ, ᎤᏔᏅ ᏗᏍᏙᏍᎩ ᏅᏯ ᎾᏍᎩᏯᎢ, ᎠᎺᏉᎯᏃ ᏭᏗᏅᏒᎩ, ᎯᎠ ᏄᏪᏒᎩ, ᎾᏍᎩᏯ ᎬᏍᎦᎢᏍᏓᎩ ᎾᏍᎩ Ꮎ ᎡᏆ ᎦᏚᎲ ᏓᏓᎶᏂ ᎠᏥᏲᏍᏙᏗ ᎨᏎᏍᏗ, ᎥᏝ ᎠᎴ ᎿᎭᏉ ᎬᏩᏛᏗ ᏱᎨᏎᏍᏗ.
Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono.
22 ᎠᎴ ᏗᎧᏃᎩᏍᏙᏗ ᏗᏂᏃᎩᏍᏗᏍᎩ, ᎠᎴ ᏗᏂᏃᎩᏍᎩ, ᎠᎴ ᎠᏦᏔᏍᏗ ᏗᏂᏃᎩᏍᏗᏍᎩ, ᎠᎴ ᏗᏂᏤᎷᎯᏍᎩ ᎤᎾᏓᏃᏴᎵᏍᏛ ᎥᏝ ᎿᎭᏉ ᎡᏣᏛᎦᏁᏗ ᏱᎨᏎᏍᏗ; ᎢᏝ ᎠᎴ ᎪᏢᏅᎥᏍᎩ ᏄᏓᎴᏒᏉ ᎪᎱᏍᏗ ᎪᏢᏍᎩ ᎿᎭᏉ ᏰᏣᏩᏛᎡᎴᏍᏗ; ᎠᎴ ᏅᏯ ᎠᏍᏙᏍᎩ ᎤᏃᏴᎬ ᎥᏝ ᎿᎭᏉ ᎡᏣᏛᎦᏁᏗ ᏱᎨᏎᏍᏗ;
Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe;
23 ᎠᎴ ᎠᏨᏍᏙᏗ ᏚᎸᏌᏛ ᎥᏝ ᎿᎭᏉ ᏗᏣᎸᏌᏓᏕᏗ ᏱᎨᏎᏍᏗ; ᎠᎴ ᎠᏕᏒᎲᏍᎩ ᎠᎴ ᎠᏥᏰᎯ ᎠᏂᏁᎬ ᎥᏝ ᎿᎭᏉ ᎡᏣᏛᎦᏁᏗ ᏱᎨᏎᏍᏗ; ᏗᏣᏤᎵᏰᏃ ᎠᏂᏃᏗᏍᎩ ᎨᏥᎸᏉᏗ ᎨᏒᎩ ᏴᏫ ᎡᎶᎯ ᏓᏁᏩᏗᏒᎢ; ᏂᎦᏗᏳᏰᏃ ᎤᎾᏓᏤᎵᏛ ᎨᏒ ᏴᏫ ᏓᏁᏩᏗᏒ ᎠᏙᏅᏗ ᏕᏣᎸᏫᏍᏓᏁᎲ ᏕᎯᎶᏄᎮᏔᏅᎩ.
oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey.
24 ᎠᎴ ᎾᏍᎩ ᎠᏥᏩᏛᎡᎸᎩ ᎤᏂᎩᎬ ᎠᎾᏙᎴᎰᏍᎩ, ᎠᎴ ᎤᎾᏓᏅᏘ, ᎠᎴ ᏂᎦᏛ ᎡᎶᎯ ᏗᎨᏥᎸᎯ ᎨᏒᎢ.
Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.

< ᏣᏂ ᏄᏍᏛ ᎠᏥᎾᏄᎪᏫᏎᎸᎢ 18 >