< ՅԱՅՏՆՈՒԹԻՒՆ ՅՈՎՀԱՆՆՈՒ 5 >

1 Գահին վրայ բազմողին աջ ձեռքին մէջ տեսայ գիրք մը՝ գրուած ներսէն ու դուրսէն, եւ կնքուած եօթը կնիքով:
Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood.
2 Տեսայ նաեւ հզօր հրեշտակ մը, որ բարձրաձայն կը յայտարարէր. «Ո՞վ արժանի է բանալու այդ գիրքը եւ քակելու ատոր կնիքները»:
Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa?
3 Բայց ո՛չ մէկը, ո՛չ երկինքի մէջ, ո՛չ երկրի վրայ, ո՛չ ալ երկրի ներքեւ՝ կարող էր բանալ այդ գիրքը, ո՛չ ալ նայիլ անոր:
Oo samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa laguma arag mid awooda inuu kitaabka kala bixiyo ama eego.
4 Ես ալ սաստիկ կու լայի՝ քանի որ ո՛չ մէկը արժանի գտնուեցաւ բանալու այդ գիրքը, ո՛չ ալ նայելու անոր:
Oo markaasaan aad u ooyay, maxaa yeelay, lama helin mid istaahila inuu kitaabka kala bixiyo ama eego.
5 Իսկ երէցներէն մէկը ըսաւ ինծի. «Մի՛ լար. ահա՛ Յուդայի տոհմէն եղող Առիւծը, Դաւիթի Արմատը, յաղթեց՝ որպէսզի բանայ այդ գիրքը եւ քակէ ատոր եօթը կնիքները:
Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba.
6 Ու տեսայ թէ գահին եւ չորս էակներուն մէջտեղ, ու երէցներուն մէջտեղ, կայնած էր Գառնուկ մը՝ որպէս թէ մորթուած. ան ունէր եօթը եղջիւր ու եօթը աչք, որոնք Աստուծոյ եօթը Հոգիներն են՝ ղրկուած ամբողջ երկիրը:
Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan.
7 Ան եկաւ եւ առաւ գիրքը գահին վրայ բազմողին աջ ձեռքէն:
Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa.
8 Երբ առաւ գիրքը, չորս էակներն ու քսանչորս երէցները ինկան Գառնուկին առջեւ եւ երկրպագեցին. անոնցմէ իւրաքանչիւրը ունէր քնար մը, ու ոսկիէ սկաւառակ մը՝ խունկերով լեցուն, որ սուրբերուն աղօթքներն են:
Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.
9 Անոնք կ՚երգէին նոր երգ մը՝ ըսելով. «Դուն արժանի ես առնելու այդ գիրքը եւ քակելու ատոր կնիքները. որովհետեւ մորթուեցար, ու քու արիւնովդ գնեցիր մեզ Աստուծոյ համար՝ ամէն տոհմէ, լեզուէ, ժողովուրդէ եւ ազգէ,
Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,
10 թագաւորներ ու քահանաներ ըրիր մեզ մեր Աստուծոյն, եւ երկրի վրայ պիտի թագաւորենք»:
oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.
11 Տեսայ, ու լսեցի ձայնը շատ հրեշտակներու՝ որոնք գահին, էակներուն եւ երէցներուն շուրջն էին. անոնց թիւը բիւրերով բիւր ու հազարներով հազար էր:
Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;
12 Անոնք բարձրաձայն կ՚ըսէին. «Այդ մորթուած Գառնուկը արժանի է ընդունելու զօրութիւն, հարստութիւն, իմաստութիւն, ոյժ, պատիւ, փառք եւ օրհնաբանութիւն»:
oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.
13 Ու լսեցի բոլոր արարածները՝ երկինքի մէջ, երկրի վրայ, երկրի ներքեւ եւ ծովու մէջ եղող, ու ամէն ինչ որ անոնց մէջ կայ, որոնք կ՚ըսէին. «Գահին վրայ բազմողին եւ Գառնուկին՝ օրհնաբանութի՜ւն, պատի՜ւ, փա՜ռք ու զօրութի՜ւն դարէ դար՝՝»: (aiōn g165)
Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood. (aiōn g165)
14 Եւ չորս էակները կ՚ըսէին. «Ամէն»: Ու երէցները ինկան եւ երկրպագեցին:
Markaasaa afartii xayawaan waxay yidhaahdeen, Aamiin. Odayaashiina way dhaceen oo sujuudeen.

< ՅԱՅՏՆՈՒԹԻՒՆ ՅՈՎՀԱՆՆՈՒ 5 >