< ܪ̈ܗܘܡܝܐ 8 >

ܡܟܝܠ ܠܝܬ ܚܝܒܘܬܐ ܠܐܝܠܝܢ ܕܠܐ ܡܗܠܟܝܢ ܒܒܤܪ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ 1
Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.
ܢܡܘܤܐ ܓܝܪ ܕܪܘܚܐ ܕܚܝܐ ܕܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܚܪܪܟ ܡܢ ܢܡܘܤܐ ܕܚܛܝܬܐ ܘܕܡܘܬܐ 2
Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.
ܡܛܠ ܕܡܚܝܠ ܗܘܐ ܓܝܪ ܢܡܘܤܐ ܒܝܕ ܟܪܝܗܘܬܗ ܕܒܤܪܐ ܫܕܪ ܐܠܗܐ ܠܒܪܗ ܒܕܡܘܬܐ ܕܒܤܪܐ ܕܚܛܝܬܐ ܡܛܠܬܗ ܕܚܛܝܬܐ ܕܢܚܝܒܝܗ ܠܚܛܝܬܐ ܒܒܤܪܗ 3
Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,
ܕܟܐܢܘܬܐ ܕܢܡܘܤܐ ܒܢ ܬܬܡܠܐ ܕܠܐ ܗܘܐ ܒܒܤܪ ܡܗܠܟܝܢܢ ܐܠܐ ܒܪܘܚ 4
in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa.
ܐܝܠܝܢ ܓܝܪ ܕܒܒܤܪ ܐܢܘܢ ܕܒܤܪ ܗܘ ܡܬܪܥܝܢ ܘܐܝܠܝܢ ܕܕܪܘܚ ܐܢܘܢ ܕܪܘܚ ܗܘ ܡܬܪܥܝܢ 5
Waayo, kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha Ruuxa.
ܬܪܥܝܬܐ ܓܝܪ ܕܒܤܪܐ ܡܘܬܐ ܗܘ ܘܬܪܥܝܬܐ ܕܪܘܚܐ ܚܝܐ ܘܫܠܡܐ 6
Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda,
ܡܛܠ ܕܬܪܥܝܬܐ ܕܒܤܪܐ ܒܥܠܕܒܒܘܬܐ ܗܝ ܠܘܬ ܐܠܗܐ ܠܢܡܘܤܐ ܓܝܪ ܕܐܠܗܐ ܠܐ ܡܫܬܥܒܕܐ ܡܛܠ ܕܠܐ ܡܫܟܚܐ 7
maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto.
ܘܐܝܠܝܢ ܕܒܒܤܪ ܐܢܘܢ ܠܡܫܦܪ ܠܐܠܗܐ ܠܐ ܡܫܟܚܝܢ 8
Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah.
ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܠܐ ܗܘܝܬܘܢ ܒܒܤܪ ܐܠܐ ܒܪܘܚ ܐܢ ܫܪܝܪܐܝܬ ܪܘܚܗ ܕܐܠܗܐ ܥܡܪܐ ܒܟܘܢ ܐܢ ܕܝܢ ܐܢܫ ܠܝܬ ܒܗ ܪܘܚܗ ܕܡܫܝܚܐ ܗܢܐ ܠܐ ܗܘܐ ܕܝܠܗ 9
Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.
ܘܐܢ ܕܝܢ ܡܫܝܚܐ ܒܟܘܢ ܦܓܪܐ ܡܝܬ ܗܘ ܡܛܠ ܚܛܝܬܐ ܪܘܚܐ ܕܝܢ ܚܝܐ ܗܝ ܡܛܠ ܟܐܢܘܬܐ 10
Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed.
ܘܐܢ ܪܘܚܗ ܕܗܘ ܡܢ ܕܐܩܝܡ ܠܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܥܡܪܐ ܒܟܘܢ ܗܘ ܡܢ ܕܐܩܝܡܗ ܠܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܐܦ ܠܦܓܪܝܟܘܢ ܡܝܬܐ ܢܚܐ ܡܛܠ ܪܘܚܗ ܕܥܡܪܐ ܒܟܘܢ 11
Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.
ܗܫܐ ܐܚܝ ܚܝܒܝܢܢ ܠܘ ܠܒܤܪܐ ܕܒܒܤܪ ܢܗܠܟ 12
Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, wax baa inagu waajib ah, laakiin waajib inooguma aha jidhka, inaynu u noolaanno sida jidhka,
ܐܢ ܓܝܪ ܒܒܤܪ ܚܐܝܢ ܐܢܬܘܢ ܥܬܝܕܝܢ ܐܢܬܘܢ ܗܘ ܠܡܡܬ ܘܐܢ ܒܪܘܚ ܗܘܦܟܝ ܦܓܪܐ ܡܡܝܬܝܢ ܐܢܬܘܢ ܚܐܝܢ ܐܢܬܘܢ 13
waayo, haddaad sida jidhka u noolaataan, hubaal waad dhiman doontaan, laakiin haddaad falimaha jidhka Ruuxa ku dishaan, waad noolaan doontaan.
ܐܝܠܝܢ ܓܝܪ ܕܒܪܘܚܐ ܕܐܠܗܐ ܡܬܕܒܪܝܢ ܗܠܝܢ ܒܢܝܐ ܐܢܘܢ ܕܐܠܗܐ 14
In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah.
ܠܐ ܓܝܪ ܢܤܒܬܘܢ ܪܘܚܐ ܕܥܒܕܘܬܐ ܬܘܒ ܠܕܚܠܬܐ ܐܠܐ ܢܤܒܬܘܢ ܪܘܚܐ ܕܤܝܡܬ ܒܢܝܐ ܕܒܗ ܩܪܝܢܢ ܐܒܐ ܐܒܘܢ 15
Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow.
ܘܗܝ ܪܘܚܐ ܡܤܗܕܐ ܠܪܘܚܢ ܕܐܝܬܝܢ ܒܢܝܐ ܕܐܠܗܐ 16
Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah.
ܘܐܢ ܒܢܝܐ ܐܦ ܝܪܬܐ ܝܪܬܐ ܕܐܠܗܐ ܘܒܢܝ ܝܪܬܘܬܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܐܢ ܢܚܫ ܥܡܗ ܐܦ ܥܡܗ ܢܫܬܒܚ 17
Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.
ܡܬܪܥܐ ܐܢܐ ܓܝܪ ܕܠܐ ܫܘܝܢ ܚܫܘܗܝ ܕܙܒܢܐ ܗܢܐ ܠܬܫܒܘܚܬܐ ܐܝܕܐ ܕܥܬܝܕܐ ܕܬܬܓܠܐ ܒܢ 18
Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.
ܟܠܗ ܓܝܪ ܒܪܝܬܐ ܡܤܒܪܐ ܘܡܤܟܝܐ ܠܓܠܝܢܐ ܕܒܢܘܗܝ ܕܐܠܗܐ 19
Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah.
ܒܪܝܬܐ ܓܝܪ ܐܫܬܥܒܕܬ ܠܤܪܝܩܘܬܐ ܠܐ ܒܨܒܝܢܗ ܐܠܐ ܡܛܠ ܡܢ ܕܫܥܒܕܗ ܥܠ ܤܒܪܐ 20
Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis,
ܕܐܦ ܗܝ ܒܪܝܬܐ ܬܬܚܪܪ ܡܢ ܥܒܕܘܬܐ ܕܚܒܠܐ ܒܚܪܘܪܐ ܕܬܫܒܘܚܬܐ ܕܒܢܝܐ ܕܐܠܗܐ 21
taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.
ܝܕܥܝܢܢ ܓܝܪ ܕܟܠܗܝܢ ܒܪܝܬܐ ܡܬܬܢܚܢ ܘܡܚܒܠܢ ܥܕܡܐ ܠܝܘܡܢܐ 22
Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan.
ܘܠܐ ܒܠܚܘܕ ܗܢܝܢ ܐܠܐ ܐܦ ܚܢܢ ܕܐܝܬ ܒܢ ܪܫܝܬܐ ܕܪܘܚܐ ܡܬܬܢܚܝܢܢ ܒܢܦܫܢ ܘܡܤܟܝܢܢ ܠܤܝܡܬ ܒܢܝܐ ܘܠܦܘܪܩܢܐ ܕܦܓܪܝܢ 23
Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatabbixinta jidhkeenna.
ܡܛܠ ܕܒܤܒܪܐ ܗܘ ܚܝܝܢ ܤܒܪܐ ܕܝܢ ܕܡܬܚܙܐ ܠܐ ܗܘܐ ܤܒܪܐ ܐܢ ܓܝܪ ܚܙܝܢܢ ܠܗ ܡܢܐ ܡܤܟܝܢܢ ܠܗ 24
Waayo, waxaynu ku badbaadnay rajo, laakiin rajadii la arko rajo ma aha, maxaa yeelay, waa ayo kan rajeeyaa wuxuu arko?
ܐܢ ܕܝܢ ܠܡܕܡ ܕܠܐ ܡܬܚܙܐ ܡܤܒܪܝܢܢ ܒܡܤܝܒܪܢܘܬܐ ܡܩܘܝܢܢ 25
Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.
ܗܟܢܐ ܐܦ ܗܝ ܪܘܚܐ ܡܥܕܪܐ ܠܟܪܝܗܘܬܢ ܡܢܐ ܓܝܪ ܢܨܠܐ ܐܝܟ ܡܐ ܕܘܠܐ ܠܐ ܝܕܥܝܢܢ ܐܠܐ ܗܝ ܪܘܚܐ ܡܨܠܝܐ ܚܠܦܝܢ ܒܬܢܚܬܐ ܕܠܐ ܡܬܡܠܠܢ 26
Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.
ܕܡܐܫ ܕܝܢ ܠܒܘܬܐ ܗܘ ܝܕܥ ܡܢܐ ܗܝ ܬܪܥܝܬܐ ܕܪܘܚܐ ܕܐܝܟ ܨܒܝܢܗ ܗܘ ܕܐܠܗܐ ܡܨܠܝܐ ܚܠܦ ܩܕܝܫܐ 27
Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu quduusiinta ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo.
ܝܕܥܝܢܢ ܕܝܢ ܕܐܝܠܝܢ ܕܡܚܒܝܢ ܠܐܠܗܐ ܒܟܠ ܡܕܡ ܡܥܕܪ ܠܗܘܢ ܠܛܒܬܐ ܠܐܝܠܝܢ ܕܩܕܡ ܤܡ ܕܢܗܘܘܢ ܩܪܝܐ 28
Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
ܘܡܢ ܠܘܩܕܡ ܝܕܥ ܐܢܘܢ ܘܪܫܡ ܐܢܘܢ ܒܕܡܘܬܐ ܕܨܘܪܬܐ ܕܒܪܗ ܕܗܘ ܢܗܘܐ ܒܘܟܪܐ ܕܐܚܐ ܤܓܝܐܐ 29
Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.
ܠܐܝܠܝܢ ܕܝܢ ܕܩܕܡ ܪܫܡ ܠܗܘܢ ܩܪܐ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܩܪܐ ܠܗܘܢ ܙܕܩ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܙܕܩ ܠܗܘܢ ܫܒܚ 30
Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.
ܡܢܐ ܗܟܝܠ ܢܐܡܪ ܥܠ ܗܠܝܢ ܐܢ ܐܠܗܐ ܚܠܦܝܢ ܡܢܘ ܕܠܩܘܒܠܢ 31
Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?
ܘܐܢ ܥܠ ܒܪܗ ܠܐ ܚܤ ܐܠܐ ܚܠܦ ܟܠܢ ܐܫܠܡܗ ܐܝܟܢܐ ܠܐ ܟܠ ܡܕܡ ܥܡܗ ܢܬܠ ܠܢ 32
Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?
ܡܢܘ ܢܩܒܘܠ ܥܠ ܓܒܝܐ ܕܐܠܗܐ ܐܠܗܐ ܡܙܕܩ 33
Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa.
ܡܢܘ ܡܚܝܒ ܡܫܝܚܐ ܡܝܬ ܘܩܡ ܘܐܝܬܘܗܝ ܥܠ ܝܡܝܢܐ ܕܐܠܗܐ ܘܒܥܐ ܚܠܦܝܢ 34
Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.
ܡܢܘ ܢܦܪܫܢܝ ܡܢ ܚܘܒܗ ܕܡܫܝܚܐ ܐܘܠܨܢܐ ܐܘ ܚܒܘܫܝܐ ܐܘ ܪܕܘܦܝܐ ܐܘ ܟܦܢܐ ܐܘ ܥܪܛܠܝܘܬܐ ܐܘ ܩܢܕܝܢܘܤ ܐܘ ܤܝܦܐ 35
Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?
ܐܝܟ ܕܟܬܝܒ ܕܡܛܠܬܟ ܟܠܝܘܡ ܡܝܬܝܢܢ ܘܐܬܚܫܒܢ ܐܝܟ ܐܡܪܐ ܠܢܟܤܬܐ 36
Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo.
ܐܠܐ ܒܗܠܝܢ ܟܠܗܝܢ ܙܟܝܝܢܢ ܒܝܕ ܡܢ ܕܐܚܒܢ 37
Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.
ܡܦܤ ܐܢܐ ܓܝܪ ܕܠܐ ܡܘܬܐ ܘܠܐ ܚܝܐ ܘܠܐ ܡܠܐܟܐ ܘܠܐ ܫܘܠܛܢܐ ܘܠܐ ܚܝܠܐ ܘܠܐ ܕܩܝܡܢ ܘܠܐ ܕܥܬܝܕܢ 38
Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh,
ܘܠܐ ܪܘܡܐ ܘܠܐ ܥܘܡܩܐ ܐܦܠܐ ܒܪܝܬܐ ܐܚܪܬܐ ܬܫܟܚ ܬܦܪܫܢܝ ܡܢ ܚܘܒܗ ܕܐܠܗܐ ܕܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ 39
ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

< ܪ̈ܗܘܡܝܐ 8 >