< اَلْمَزَامِيرُ 124 >

تَرْنِيمَةُ ٱلْمَصَاعِدِ. لِدَاوُدَ «لَوْلَا ٱلرَّبُّ ٱلَّذِي كَانَ لَنَا». لِيَقُلْ إِسْرَائِيلُ: ١ 1
Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
«لَوْلَا ٱلرَّبُّ ٱلَّذِي كَانَ لَنَا عِنْدَ مَا قَامَ ٱلنَّاسُ عَلَيْنَا، ٢ 2
Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,
إِذًا لَٱبْتَلَعُونَا أَحْيَاءً عِنْدَ ٱحْتِمَاءِ غَضَبِهِمْ عَلَيْنَا، ٣ 3
Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,
إِذًا لَجَرَفَتْنَا ٱلْمِيَاهُ، لَعَبَرَ ٱلسَّيْلُ عَلَى أَنْفُسِنَا. ٤ 4
Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
إِذًا لَعَبَرَتْ عَلَى أَنْفُسِنَا ٱلْمِيَاهُ ٱلطَّامِيَةُ». ٥ 5
Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
مُبَارَكٌ ٱلرَّبُّ ٱلَّذِي لَمْ يُسْلِمْنَا فَرِيسَةً لِأَسْنَانِهِمْ. ٦ 6
Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
ٱنْفَلَتَتْ أَنْفُسُنَا مِثْلَ ٱلْعُصْفُورِ مِنْ فَخِّ ٱلصَّيَّادِينَ. ٱلْفَخُّ ٱنْكَسَرَ، وَنَحْنُ ٱنْفَلَتْنَا. ٧ 7
Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
عَوْنُنَا بِٱسْمِ ٱلرَّبِّ، ٱلصَّانِعِ ٱلسَّمَاوَاتِ وَٱلْأَرْضَ. ٨ 8
Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.

< اَلْمَزَامِيرُ 124 >