< اَلْعَدَد 13 >

ثُمَّ كَلَّمَ ٱلرَّبُّ مُوسَى قَائِلًا: ١ 1
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
«أَرْسِلْ رِجَالًا لِيَتَجَسَّسُوا أَرْضَ كَنْعَانَ ٱلَّتِي أَنَا مُعْطِيهَا لِبَنِي إِسْرَائِيلَ. رَجُلًا وَاحِدًا لِكُلِّ سِبْطٍ مِنْ آبَائِهِ تُرْسِلُونَ. كُلُّ وَاحِدٍ رَئِيسٌ فِيهِمْ». ٢ 2
War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.
فَأَرْسَلَهُمْ مُوسَى مِنْ بَرِّيَّةِ فَارَانَ حَسَبَ قَوْلِ ٱلرَّبِّ. كُلُّهُمْ رِجَالٌ هُمْ رُؤَسَاءُ بَنِي إِسْرَائِيلَ، ٣ 3
Markaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.
وَهَذِهِ أَسْمَاؤُهُمْ: مِنْ سِبْطِ رَأُوبَيْنَ شَمُّوعُ بْنُ زَكُّورَ. ٤ 4
Oo magacyadoodiina kuwan bay ahaayeen: qabiilkii reer Ruubeen waxaa ka tegey Shammuuca ina Sakuur.
مِنْ سِبْطِ شِمْعُونَ شَافَاطُ ٱبْنُ حُورِي. ٥ 5
Oo qabiilkii reer Simecoonna Shaafaad ina Xori.
مِنْ سِبْطِ يَهُوذَا كَالِبُ بْنُ يَفُنَّةَ. ٦ 6
Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.
مِنْ سِبْطِ يَسَّاكَرَ يَجْآلُ بْنُ يُوسُفَ. ٧ 7
Oo qabiilkii reer Isaakaarna Yigaal ina Yuusuf.
مِنْ سِبْطِ أَفْرَايِمَ هُوشَعُ بْنُ نُونَ. ٨ 8
Oo qabiilka reer Efrayimna Hoosheeca ina Nuun.
مِنْ سِبْطِ بَنْيَامِينَ فَلْطِي بْنُ رَافُو. ٩ 9
Oo qabiilkii reer Benyaamiinna Faltii ina Raafuu.
مِنْ سِبْطِ زَبُولُونَ جَدِّيئِيلُ بْنُ سُودِي. ١٠ 10
Oo qabiilkii reer Sebulunna Gaddii'eel ina Soodii.
مِنْ سِبْطِ يُوسُفَ مِنْ سِبْطِ مَنَسَّى جِدِّي بْنُ سُوسِي. ١١ 11
Oo qabiilkii reer Yuusuf oo ah reer Manasehna Gaddii ina Suusii.
مِنْ سِبْطِ دَانَ عَمِّيئِيلُ بْنُ جَمَلِّي. ١٢ 12
Oo qabiilkii reer Daanna Cammii'eel ina Gemallii.
مِنْ سِبْطِ أَشِيرَ سَتُورُ بْنُ مِيخَائِيلَ. ١٣ 13
Oo qabiilkii reer Aasheerna Setuur ina Miikaa'eel.
مِنْ سِبْطِ نَفْتَالِي نَحْبِي بْنُ وَفْسِي. ١٤ 14
Oo qabiilkii reer Naftaalina Naxbii ina Waafsii.
مِنْ سِبْطِ جَادَ جَأُوئِيلُ بْنُ مَاكِي. ١٥ 15
Oo qabiilkii reer Gaadna Ge'uu'eel ina Maakii.
هَذِهِ أَسْمَاءُ ٱلرِّجَالِ ٱلَّذِينَ أَرْسَلَهُمْ مُوسَى لِيَتَجَسَّسُوا ٱلْأَرْضَ. وَدَعَا مُوسَى هُوشَعَ بْنَ نُونَ «يَشُوعَ». ١٦ 16
Intaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca.
فَأَرْسَلَهُمْ مُوسَى لِيَتَجَسَّسُوا أَرْضَ كَنْعَانَ، وَقَالَ لَهُمُ: «ٱصْعَدُوا مِنْ هُنَا إِلَى ٱلْجَنُوبِ وَٱطْلَعُوا إِلَى ٱلْجَبَلِ، ١٧ 17
Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.
وَٱنْظُرُوا ٱلْأَرْضَ، مَا هِيَ: وَٱلشَّعْبَ ٱلسَّاكِنَ فِيهَا، أَقَوِيٌّ هُوَ أَمْ ضَعِيفٌ؟ قَلِيلٌ أَمْ كَثِيرٌ؟ ١٨ 18
Oo waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin,
وَكَيْفَ هِيَ ٱلْأَرْضُ ٱلَّتِي هُوَ سَاكِنٌ فِيهَا، أَجَيِّدَةٌ أَمْ رَدِيَّةٌ؟ وَمَا هِيَ ٱلْمُدُنُ ٱلَّتِي هُوَ سَاكِنٌ فِيهَا، أَمُخَيَّمَاتٌ أَمْ حُصُونٌ؟ ١٩ 19
iyo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan,
وَكَيْفَ هِيَ ٱلْأَرْضُ، أَسَمِينَةٌ أَمْ هَزِيلَةٌ؟ أَفِيهَا شَجَرٌ أَمْ لَا؟ وَتَشَدَّدُوا فَخُذُوا مِنْ ثَمَرِ ٱلْأَرْضِ». وَأَمَّا ٱلْأَيَّامُ فَكَانَتْ أَيَّامَ بَاكُورَاتِ ٱلْعِنَبِ. ٢٠ 20
iyo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado.
فَصَعِدُوا وَتَجَسَّسُوا ٱلْأَرْضَ مِنْ بَرِّيَّةِ صِينَ إِلَى رَحُوبَ فِي مَدْخَلِ حَمَاةَ. ٢١ 21
Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.
صَعِدُوا إِلَى ٱلْجَنُوبِ وَأَتَوْا إِلَى حَبْرُونَ. وَكَانَ هُنَاكَ أَخِيمَانُ وَشِيشَايُ وَتَلْمَايُ بَنُو عَنَاقٍ. وَأَمَّا حَبْرُونُ فَبُنِيَتْ قَبْلَ صُوعَنِ مِصْرَ بِسَبْعِ سِنِينَ. ٢٢ 22
Oo waxay tageen xagga koonfureed, oo yimaadeen Xebroon; oo Axiiman iyo Sheeshay iyo Talmay oo reer Canaaq ahaa ayaa halkaas degganaa. (Oo Xebroon waxaa la dhisay goor toddoba sannadood ka horraysa intaan la dhisin Socan oo Masar ku taal.)
وَأَتَوْا إِلَى وَادِي أَشْكُولَ، وَقَطَفُوا مِنْ هُنَاكَ زَرَجُونَةً بِعُنْقُودٍ وَاحِدٍ مِنَ ٱلْعِنَبِ، وَحَمَلُوهُ بِٱلدُّقْرَانَةِ بَيْنَ ٱثْنَيْنِ، مَعَ شَيْءٍ مِنَ ٱلرُّمَّانِ وَٱلتِّينِ. ٢٣ 23
Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah.
فَدُعِيَ ذَلِكَ ٱلْمَوْضِعُ «وَادِيَ أَشْكُولَ» بِسَبَبِ ٱلْعُنْقُودِ ٱلَّذِي قَطَعَهُ بَنُو إِسْرَائِيلَ مِنْ هُنَاكَ. ٢٤ 24
Oo meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis.
ثُمَّ رَجَعُوا مِنْ تَجَسُّسِ ٱلْأَرْضِ بَعْدَ أَرْبَعِينَ يَوْمًا. ٢٥ 25
Oo markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen.
فَسَارُوا حَتَّى أَتَوْا إِلَى مُوسَى وَهَارُونَ وَكُلِّ جَمَاعَةِ بَنِي إِسْرَائِيلَ، إِلَى بَرِّيَّةِ فَارَانَ، إِلَى قَادَشَ، وَرَدُّوا إِلَيْهِمَا خَبَرًا وَإِلَى كُلِّ ٱلْجَمَاعَةِ وَأَرَوْهُمْ ثَمَرَ ٱلْأَرْضِ. ٢٦ 26
Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.
وَأَخْبَرُوهُ وَقَالُوا: «قَدْ ذَهَبْنَا إِلَى ٱلْأَرْضِ ٱلَّتِي أَرْسَلْتَنَا إِلَيْهَا، وَحَقًّا إِنَّهَا تَفِيضُ لَبَنًا وَعَسَلًا، وَهَذَا ثَمَرُهَا. ٢٧ 27
Oo Muuse bay u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu dalkii aad noo dirtay waan gaadhnay, oo hubaal wuxuu la barwaaqaysan yahay caano iyo malab, oo midhihiisiina waa kuwan.
غَيْرَ أَنَّ ٱلشَّعْبَ ٱلسَّاكِنَ فِي ٱلْأَرْضِ مُعْتَزٌّ، وَٱلْمُدُنُ حَصِينَةٌ عَظِيمَةٌ جِدًّا. وَأَيْضًا قَدْ رَأَيْنَا بَنِي عَنَاقَ هُنَاكَ. ٢٨ 28
Habase yeeshee dadka dalka degganu waa xoog badan yihiin, oo magaalooyinkuna deyrar bay leeyihiin, waana waaweyn yihiin, oo weliba waxaannu halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.
ٱلْعَمَالِقَةُ سَاكِنُونَ فِي أَرْضِ ٱلْجَنُوبِ، وَٱلْحِثِّيُّونَ وَٱلْيَبُوسِيُّونَ وَٱلْأَمُورِيُّونَ سَاكِنُونَ فِي ٱلْجَبَلِ، وَٱلْكَنْعَانِيُّونَ سَاكِنُونَ عِنْدَ ٱلْبَحْرِ وَعَلَى جَانِبِ ٱلْأُرْدُنِّ». ٢٩ 29
Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.
لَكِنْ كَالِبُ أَنْصَتَ ٱلشَّعْبَ إِلَى مُوسَى وَقَالَ: «إِنَّنَا نَصْعَدُ وَنَمْتَلِكُهَا لِأَنَّنَا قَادِرُونَ عَلَيْهَا». ٣٠ 30
Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.
وَأَمَّا ٱلرِّجَالُ ٱلَّذِينَ صَعِدُوا مَعَهُ فَقَالُوا: «لَا نَقْدِرْ أَنْ نَصْعَدَ إِلَى ٱلشَّعْبِ، لِأَنَّهُمْ أَشَدُّ مِنَّا». ٣١ 31
Laakiinse nimankii isaga raacay waxay yidhaahdeen, War innagu dadkaas kuma kici karno, waayo, way inaga xoog badan yihiin.
فَأَشَاعُوا مَذَمَّةَ ٱلْأَرْضِ ٱلَّتِي تَجَسَّسُوهَا، فِي بَنِي إِسْرَائِيلَ قَائِلِينَ: «ٱلْأَرْضُ ٱلَّتِي مَرَرْنَا فِيهَا لِنَتَجَسَّسَهَا هِيَ أَرْضٌ تَأْكُلُ سُكَّانَهَا، وَجَمِيعُ ٱلشَّعْبِ ٱلَّذِي رَأَيْنَا فِيهَا أُنَاسٌ طِوَالُ ٱلْقَامَةِ. ٣٢ 32
Oo iyagu dalkii ay soo basaaseen ayay reer binu Israa'iil war xun uga keeneen, oo waxay yidhaahdeen, Dalka aannu dhex marnay oo soo basaasnay waa dal cuna dadka deggan, oo dadkii aannu ku aragnay oo dhammuna waa dad aad u dhaadheer.
وَقَدْ رَأَيْنَا هُنَاكَ ٱلْجَبَابِرَةَ، بَنِي عَنَاقٍ مِنَ ٱلْجَبَابِرَةِ. فَكُنَّا فِي أَعْيُنِنَا كَٱلْجَرَادِ، وَهَكَذَا كُنَّا فِي أَعْيُنِهِمْ». ٣٣ 33
Oo waxaannu halkaas ku aragnay dad waaweyn oo xoog badan oo ah reer Canaaq oo ka yimid dadkii waaweynaa oo xoogga badnaa. Waxaannu isula yaraannay sida kabajaan oo kale, oo hortoodana sidaas oo kalaannu ku ahayn.

< اَلْعَدَد 13 >